SOLAR SYSTEM SCHOLARHSIP TVET
About the Opportunity
Summary
Deeqdani waa xirfad kooban oo la xidhiidha dhanka farsamadda gacanta ee qalabka ku shaqeeya tamarta cad-ceeda , waxaanad ku baran doontaa qaabka loo cilad saaro ama loo rakibo.
Full Details
Hay'adda Shaqodoon oo kaashanaysa dugsiyada farsamada gacanta ee Iftin, Badhan, iyo Qardho ayaa dhalinyaradda ku dhaqan magaalooyinka Bosaso, Qardho iyo Badhan ugu bushaaraynaysa in ay siin doonto tabobar socon doona muddo 6 bilood ah oo lagu baran doono farsamada xirxirka iyo ciladsaarka qalabka tamarta cadceeda.
SHURUUDAHA
Codsadaha waa in da'adiisu/da'deedu u dhaxayso 18-30 sano
Codsaduhu waa in uu haystaa ugu yaraan shahaado dugsiga hoose dhexe ama wax u dhigma
Codsaha waa inay ka go'an tahay in uu dhamaysto tababarka
Codsaduhu waa in uu haystaa aqoonsiga maamulka degmadiisa
Tabarbarkani wuxuu qayb ka yahay mashruuca EU IMPACT ee ay maalgaliso MIDOWGA YURUB kaas oo ay fulinayso hay'adda caalamiga ah ee SAVE THE CHILDREN
APPLICATION PROCESS
- Fadlan buuxi formka kuusoo baxa si aad uga mid noqotid tartamayaasha .
Application Deadline: December 30, 2025 (Expired 62 days ago)
Key Details
Deadline
12/30/2025
Eligible countries
Dhalinyarada ku dhaqan magaalooyinka BOSASO, QARDHO iyo BADHAN
